Wariye xalay lagu dilay Gaalkacyo

HomeWararka

Wariye xalay lagu dilay Gaalkacyo

Wariye Cabdirisaaq Saacid Cismaan (Wadani Arts) ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,isagoo katirsanaa idaacadda Codka N

Madaxweynaha oo magacaabay Guddoomiyihii gobolka Banaadir
Madaxweyne Farmaajo oo farxadda Ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka
Duqa Muqdisho oo lagu edeyeey inu barakaciyeey boqolaal shacab ah

Wariye Cabdirisaaq Saacid Cismaan (Wadani Arts) ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,isagoo katirsanaa idaacadda Codka Nabadda,  Rabbi Naxariistiis Janno hasiiyee, goor uu kasii baxay goobtiisa shaqada.

Wariyaha ayaa wararku sheegayaan in dilkiisa loo adeegsaday toorey, waxaana baxsaday kooxihii dilka gaystay oo ahaa dhalinyaro, kuwaasi oo horay usii qaatay agabkii shaqada ee uu watay sida Mobile iyo Laptop.

Kooxaha dilka gaystay oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa ku raad jooga ciidamada ammaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Ururuka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa cambaareeyey dilka, isagoona ku baaqay in lala xisaabtamo dadka dila wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Maahir Jaamac ayaa qoraal bartiisa Facebooka uu soo dhigay ku yiri.

Hogaanka Nusoj wuxuu tacsi la wadaaagayaa ehelada marxuumka iyo dhamaan bahda saxaafadda oo uu ka wada baxay wariye Cabdirisaaq Saciid Cusmaan, waxaana xoojinaynaa sida uu dilka wariyaashu muhiim ugu yahay la xisaabtan iyo ka daba-tag cid walba oo geysata.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: