Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxii galabta ee Muqdisho

HomeWararka

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxii galabta ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax afartii galabnimo ee maanta ka dhacay waddo u dhow xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. S

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay
Xirmaysiga iyo xaalufka lagu hayo dhul daaqsimeedkii xoolaha oo wali kajira Puntland (dhegayso)
Faahfaahin dil kadhacay Magaaladda Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax afartii galabnimo ee maanta ka dhacay waddo u dhow xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal sare oo katirsan booliska ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP laba katirsan booliska iyo dad shacab ah inay ku geeriyoodeen qaraxa, todoba kallena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay xarun ay gaadiidku ku baaraan ciidamada ammaanka, waxaana dhaawacyada la sheegayaa inay gaarayaan toban ruux.

Goobta qaraxu uu kadhacay ayaa laba boqol oo mitir u jirta albaabka wayn ee xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kalle wasaaradda arimaha gudaha.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: