Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha XFS,e Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaalkiisii uu ku tagay Dalalka Qatar iyo Swizerland.

Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay Qatar ayaa 14-15 Decembar Dooxa uga qayb galay Madasha Dooxa, waxuuna ka jeediyay khudab uu uga hadlay horumarka Soomaaliya ka jira iyo doorka ganacsatada ee dib-u-dhiska Dalka.

Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa intii uu Dooxa joogay waxuu kulamo la qaatay dhiggiisa Qatar iyo xoghayaha maaliyadda Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Desembar 16, 2019, lagu soo dhoweeyay Geneva, ayaa Deseembar 17-18, 2019 waxuu ka qayb galay madasha Qaxootiga Adduunka oo markii ugu horresay Sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaaladda Qaxootiga Adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha Qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo Agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga Adduunka,Axel van Trotsenburg.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com