Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxii galabta ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax afartii galabnimo ee maanta ka dhacay waddo u dhow xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal sare oo katirsan booliska ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP laba katirsan booliska iyo dad shacab ah inay ku geeriyoodeen qaraxa, todoba kallena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay xarun ay gaadiidku ku baaraan ciidamada ammaanka, waxaana dhaawacyada la sheegayaa inay gaarayaan toban ruux.

Goobta qaraxu uu kadhacay ayaa laba boqol oo mitir u jirta albaabka wayn ee xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kalle wasaaradda arimaha gudaha.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com