Faahfaahin dil kadhacay Magaaladda Dhuusamareeb

HomeWararka

Faahfaahin dil kadhacay Magaaladda Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in askar ka tirsan ciidanka dowladda ay isku dileen Ko

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo dalbaday in la hakiyo doorashada
Nabadoon Axmed Diriye oo Muqdisho ku geeriyooday
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Dhusamareeb

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in askar ka tirsan ciidanka dowladda ay isku dileen Koontaroolka Faarax koone ee Magaaladdaasi sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal.

Askari ka tirsan ciidanka Booliska ayaa dilay askari kale xilli uu hurday, waxaana la sheegay in markii ay kusoo baxeen askartii kale ee ciidanka dowladda uu isna isla goobta isku dilay.

Askartaan ayaa ka mid ahaa kuwii dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho ee la geeyay magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaano ku aadan sida ay u dhaceen dilalka, islamarkaana saacaddaha soo socda ay la hadli doonaan warbaahinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: