Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo dalbaday in la hakiyo doorashada

HomeWararka

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo dalbaday in la hakiyo doorashada

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa ku baaqay In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado. War Saxaafadeed ay soo saareen ayaa sid

Ciidamadda AMISOM oo laga saaray kuliyadda Jaale siyaad Muqdisho (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Axmed Madoobe oo Booqday Darbiga ay kenya kadhisayso Xuduudka Somaaliya & Kenya (Sawiro)

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa ku baaqay In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado.

War Saxaafadeed ay soo saareen ayaa siddaan u qornaa:
Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqijinta sidii ay dalka uga hirgeli lahayd doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla ogol yahay. Goluhu wuxuu 30 November 2021 u caddeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in uusan qayb ka ahayn, aqbalayna boobka qaawan ee doorashada golaha shacabka ay ku billaabatay.

Goluhu waxaa uu codsi wadatashiyo ku aaddan sida ugu haboon ee looga hortegi karo boobka lagu hayo doorashooyinka.

Goluhu wuxuu kala xulanayaa hadba tallaabada ku haboon ee dalka looga samatabixin karo xaaladda adag ee uu marayo.

Goluhu wuxuu mudnaanta siinayaa in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashooyinka lagu wado, isagoo taas ka duulaya ayuu Goluhu soo jeedinayaa:

1-In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

2-In la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado, si ay taas u hirgasho waxaa lagama maarmaan ah;-

a) In la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi- beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0