Meydadka in ka badan 900 oo qof oo rayid ah oo laga helay gobolka Kyiv

Meydadka in ka badan 900 oo qof oo rayid ah oo laga helay gobolka Kyiv

Meydadka in ka badan 900 oo qof oo rayid ah ayaa laga helay gobolka Kyiv, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliiska.

Dadkaan ayaa ku dhintay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaasi ee ciidanka Ruushka ay kusoo qaadeen, waxaana qaarkood lagu duqeeyay guryihii ay ku jireen.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ka codsaday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu Ruushka u magacaabo “dawlad kafaala qaado argagixisada”, sida ay sheegtay Washington Post.

Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inuu adeegsaday bambooyinka riddada dheer ee Mariupol, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo ka socda agagaarka warshad birta ah iyo dekedda.

Duqaymaha Ruushka ayaa 7 qof ku dilay bariga magaalada Kharkiv, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa u sheegay CNN in inta u dhaxaysa 2,500 ilaa 3,000 oo askarta Ukraine ah lagu qiyaasay inay ku dhinteen dagaalka ilaa hadda.

Waxa uu sheegay in ilaa 10,000 ay dhaawacmeen ayna ” adagtahay in la sheego inta badbaadayaan”.

Zelenskyy waxa uu sheegay in loo malaynayo in Ruushka laga dilay inta u dhaxaysa 19,000 ilaa 20,000 oo askari, in kasta oo Kremlin-ku uu tiradaasi ku sheegay 1,351.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com