HomeUncategorized

Xaaladda Galkacyo oo kacsan iyo rasaas xoogan oo laga maqlayo dhanka Galbeed.

Galkacyo, Oct 20 2016--Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale saaka ka bilowday magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay isku horjoogaan ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Caawa iyo Daljir, Axad April, 14 -2013, Cabdifataax Cumar Geeddi ‘ (Daljir Garoowe)
DHAGEYSO: M/weyne Xassan Sheekh oo ka hadlay Arrimo muhiim u ah Dalka Soomaaliya
Baragkacayaasha Caabduwaaq oo loo sameeyey adeegyo caafimaad oo ay ku jirto daawo (Dhegeyso)

Galkacyo, Oct 20 2016–Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale saaka ka bilowday magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay isku horjoogaan ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka oo bilowday saaka xilli dambe ayaa ah mid laysu adeegsanayo hubka culus oo goos goos looga maqlayo guud ahaan Galkacyo iyo nawaaxigeeda.

Weriye Jamaal Faarax Aadan oo kamid ah howlwadeenada Daljir Galkacyo ayaa hadda u xaqiijiyey Dalljir.com in dagaalku weli socdo inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha kadhalan kara iyo sida uu ku bilowday.

Wasiirka howlgalaguud iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa shalay sheegay inay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: