DHAGEYSO: M/weyne Xassan Sheekh oo ka hadlay Arrimo muhiim u ah Dalka Soomaaliya

Muqdisho May 1, 2016 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degeyey 1-da May oo ku asteysan maalinta shaqaalaha adduunka.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey maalinta shaqaalaha adduunka dhammaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

“Maanta waxa aan u dabaal dageynaa maalintii shaqaalaha ee 1da May, 
waxa aan hambalyeyneynaa shaqaalo weynaha adduunka gaar ahaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan, oo aan sharfeynaa ragga iyo dumarka, wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee u taagan in ay dib u soo celiyaan Soomaalinimo iyo mustaqbal lahubo oo xor ah. Ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “ Shaqo kasta oo wax kubiirineysa mustaqbalkeenna waa mid qiime leh. ninka geedaha qora ee sameeya kursiga aan ku fariisanno, macallinka ku fariista kursigaas oo wax bara caruurteenna, aabaha dukaanka iibiya si ay ubadkiisu iskuul u aadaan dhammaantood waxa ay hayaan shaqo qiimo leh, qiimahaas waxa uu ka imaanayaa hufnaanta shaqadaas loo qabto iyo waxtarka ay uleedahay dhisidda Soomaaliya oo sidan ka sii wanaagsan”

Dhanka kale Madaxwyanaha ayaa xarigga ka jaray xarumaha Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo lagu dhisay baaqi ahaa DALKAAGA DHISO. Madaxwnaha ayaa ku ammaan u jeediyey Wasiirada iyo shaqaalaha wasaaradaha dib u dhiska ku sameyey xarunaha labada wasaarad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com