9 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo xaalad karantiil la geliyay

HomeWararka

9 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo xaalad karantiil la geliyay

9 askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa la geliyay xaalad karantiil ah, kaddib markii la ogaaday inay xiriir la sameeyeen mid ka mid ah asxaabtooda

Jaamacadda Umadda Somaliyeed ee Galmudug oo wax lala yaabo ku tilmaamay Hadal kasoo yeeray Madaxwayne Xaaf (dhegayso)
Golaha Aqalka Sare oo Maanta Kulan kayeelanaya Khilaafka Siyaasadeed ee Dowlad Gobaleedyada & DFS
Gaalkacayo, Adeegga Ciidda & Saamaynta Dilaaga KALAFOGEEYE COVID-19 (Daawo)

9 askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa la geliyay xaalad karantiil ah, kaddib markii la ogaaday inay xiriir la sameeyeen mid ka mid ah asxaabtooda oo laga helay Coronavirus.

Askartan oo u dhashay dalka Uganda ayaa meel gaar ah la geeyay, si xaaladooda loo ogaado, iyadoo baaritaan ku aadan Covid-19 laga qaaday, waxaana la sugayaa natiijadooda.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in askarigii u horreeyay oo ka tirsan AMISOM laga helay Coronavirus, kaasoo ka mid ahaa Ciidamada ka socda Uganda ee saldhigooda yahay Dekeda Muqdisho.

Askariga laga helay Covid-19 ayaa la sheegay in xaaladiisa lala tacaalayo oo lagu daaweynayo goob loogu tala galay dadka qaba Coronavirus.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay walwal ku saabsan in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya inuu ku faafi karo cudurkan covid-19, hase ahaatee Taliska AMISOM ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin looga hortagayo cudurkaas, isla markaana xeryaha ciidamada la dhigay faraxalo iyo agabyo loogu tala galay in lagaga hortago cudurkan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: