Golaha Aqalka Sare oo Maanta Kulan kayeelanaya Khilaafka Siyaasadeed ee Dowlad Gobaleedyada & DFS

Golaha Aqalka Sare oo Maanta Kulan kayeelanaya Khilaafka Siyaasadeed ee Dowlad  Gobaleedyada & DFS

Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay ka doodaan khilaafka siyaasadeed ee Bilahan u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada ay iyaga matalaan iyo dowladda Federaalka ah ee ay ka tirsanyihiin.

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ayaa doonaya in la soo gaba gabeeyo khilaafka Siyaasadeed ee kala geeyay Madaxda dowladda Federaalka ah iyo madaxda Maamul Goboleedyada ee ka jira Dalka.

Madaxweynayaasha shan Maamul Goboleed ayaa todobaadkii ugu horreeyay Bishan October waxaa ay Kismaayo ku yeesheen shir ay uga arrinsanayeen khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada oo ku kala fogaaday khilaafka ka jira Khaliijka Carabta.

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa diiday go’aanka dhex dhexaadnimada ah ee dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka hayeeshee Maamullada Soomaaliya ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan loo dhameyn waxaana ay raaceen dhinaca xulufada Sucuudiga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com