Dowladda Soomaaliya oo gargaar gurmad ah gaarsiisay Baardheere

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo gargaar gurmad ah gaarsiisay Baardheere

Wasiirka gargaarka, wasiir kuxigeenka Batroolka iyo howl wadeenna ka socda wasaaradda Tamarta iyo biyaha ayaa gargaar gaarsiiyay magaalada Baardheere

Wacaal daray ah: Xulka Jubbaland oo ku guulaystay Koobkii Mamaul gobaleedyada
Soomaaliya oo ku guuleysatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Wasiirka gargaarka, wasiir kuxigeenka Batroolka iyo howl wadeenna ka socda wasaaradda Tamarta iyo biyaha ayaa gargaar gaarsiiyay magaalada Baardheere ee gobalka Gedo oo kamid ah deegaanada ay fatahaaduhu dhibaatada ka geysteen.

Wasiirrada iyo Engineer ka socday wasaaradda biyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaannada uu wabiga Jubba ku fatahay iyo meelaha uu wabigu biyaha ka keenay si loogu diyaar garoobo xiridda meelaha uu Wabigu ka fatahayo.

Maamulka Baardheere ee gobalka Gedo ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay gargaarka loogu gurmanayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wasiirrada ka socda xukuumadda ayaa shacabka ku nool Baardheere u ballan qaaday in dowladdu ay sii wadeyso gurmadka lagu samata bixinayo inta xaaladdu sideedii hore kusoo laabaneyso.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: