3 qof oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Garowe iyo Sanajiif.


Garowe, June, 21 – Abaaro 11:30 barqanimo ee maanta ayaa gaari nooca loo yaqaan candha-meydlaha waxaa uu ku dhacey inta u dhaxeysa Garowe iyo Sunajiif oo Garowe u jirta qiyaastii 60km, kagana beegan dhanka bari.

Gaarigaan ayaa waxaa uu sidey rar u badan fuustooyin naafto ah, mana jirto cid kale oo wax ku noqotey.

Warar aan ka heleyno saraakiisha caafimaadka ee cisbitalka Garowe ayaa sheegaya in 3 qof ee dhaawaca ah, qof ka mida xaaladiisa aad looga deyrinayo.

Mar aan wax ka weydiiney sababta ka danbeysa shilka gaariga dareewalkii wadey baabuurka qalibmey oo magaciisa ku soo koobey Odey ayaa Daljir waxaa uu u sheegey in ay arrintani tahay sabab Alle oo qorneyd.

Ma ahan markii ugu horeysey oo inta u dhaxeysa Garowe iyo tuulo Sunajiif uu ka dhaco shil gaari oo sababa dhimasho iyo dhaawac. Shilalka ka dhaca halkaasi waxaa lagu tilmaani karaa kuwo isi-soo tarayay mudooyinkii ugu danbeeyay.

Maxamed C/laahi Cali (Kooshin)
Daljir Garowe

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com