3-Carruur oo ku dhaawacmay qarax kadhacay duleedka Muqdisho

3-Carruur oo ku dhaawacmay qarax kadhacay duleedka Muqdisho

Sadex carruur ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen xero ay daganyihiin dad barakacayaal ah oo ku taala duleedka Muqdisho duhurnimadii maanta, kadib markii ay ku qaraxday bam ay ku cayaarayeen.

Wararka laga helayo deeganka Carbiska oo ah halka qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya carruurta inay ka yimaadeen dugsi quraanka lagu barto xiligii qaraxa uu dhacayay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray gaadiidka caafimaadka oo si degdeg ah ugu qaaday xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Carruurta ku nool magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ayaa inta badan khatar ugu jira aaladaha qarxa oo xiliyada dagaalada looga tago meelaha rayidku ay daganyihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com