3 Burcadbadeed Soomaaliyeed iyo Hubkoodii oo Shiinuhu Bossaso Keenay

HomeWararka

3 Burcadbadeed Soomaaliyeed iyo Hubkoodii oo Shiinuhu Bossaso Keenay

Dowladda Puntland ayaa maanta lagu soo wareejiyay 3 nin oo burcadbadeed Soomaaliyeed ah iyo hubkoodii, waxaana soo wareejiyey ciidamada Shiinaha ee la

FURSAD SHAQO: WFP, XAFIISKA GAROWE ( Re-adv: Administration Assistant (Facility Management)
Maamulka Hiirshabeele iyo DDS oo heshiis ka gaaray colaad ka taagnayd degaanka feefeer (dhegayso)
Israil oo caruur & haween ku dishay marinka Qaza

Dowladda Puntland ayaa maanta lagu soo wareejiyay 3 nin oo burcadbadeed Soomaaliyeed ah iyo hubkoodii, waxaana soo wareejiyey ciidamada Shiinaha ee ladagaallanka burcadbadeedda.

Dhalinyarada saddexda ah oo maanta la keenay dekedda Bosaaso ayaa ka mid ahaa 5 dhalinyaro ah oo bartamihii bishii April iskudayay in ay xeebaha Soomaaliya ka afduubtaan mid ka mid ah maraakiibta isaga goosha biyaha caalamka.

Hadaba goobtii dhalinyaradan lagu soo wareejiyay waxaa saxaafada kula hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcadbadeedda, Cabdimajiid Samatar Jaafaan.

Intaas kaddib waxaa dareenkooda ka hadlay dhalinyardii maanta lagu soo wareejiyay dowlada Puntland, waxa ayna sheegeen sababta ku kaliftay falkan burcadbadeedka.

Hoos ka dhegayso

  • Codka Agaasimaha
  • Codka Burcadbadeedda

  

 

 

.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Wankufaraxsanhye inlakeno dhalineyaradasi bosaaso Laguna maxkamadeyo dalkoodiwamahadsahay shiinuhu sida wanagsan eeuladhamay dhalinyaradasi

DISQUS: 0