3 Burcadbadeed Soomaaliyeed iyo Hubkoodii oo Shiinuhu Bossaso Keenay

Dowladda Puntland ayaa maanta lagu soo wareejiyay 3 nin oo burcadbadeed Soomaaliyeed ah iyo hubkoodii, waxaana soo wareejiyey ciidamada Shiinaha ee ladagaallanka burcadbadeedda.

Dhalinyarada saddexda ah oo maanta la keenay dekedda Bosaaso ayaa ka mid ahaa 5 dhalinyaro ah oo bartamihii bishii April iskudayay in ay xeebaha Soomaaliya ka afduubtaan mid ka mid ah maraakiibta isaga goosha biyaha caalamka.

Hadaba goobtii dhalinyaradan lagu soo wareejiyay waxaa saxaafada kula hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcadbadeedda, Cabdimajiid Samatar Jaafaan.

Intaas kaddib waxaa dareenkooda ka hadlay dhalinyardii maanta lagu soo wareejiyay dowlada Puntland, waxa ayna sheegeen sababta ku kaliftay falkan burcadbadeedka.

Hoos ka dhegayso

  • Codka Agaasimaha
  • Codka Burcadbadeedda

  

 

 

.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “3 Burcadbadeed Soomaaliyeed iyo Hubkoodii oo Shiinuhu Bossaso Keenay”

  1. Wankufaraxsanhye inlakeno dhalineyaradasi bosaaso Laguna maxkamadeyo dalkoodiwamahadsahay shiinuhu sida wanagsan eeuladhamay dhalinyaradasi

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com