10 Jilayaal Bollywood ugu caansan ahaana heerka koowaad sannadihii 2000-2018 (sawirro)

HomeWararkaMaqaalo Kale

10 Jilayaal Bollywood ugu caansan ahaana heerka koowaad sannadihii 2000-2018 (sawirro)

Kulanti wacan Saxiibadda ku xirran Radio Daljir. Maanta waxaan idiin soogudbinaynaa 10 jile ee Bollywood kuwooda ugu wanaagsan sanadihii 2000 ilaa 201

BADBAADO: Halista COVID ee maanta & baraarug-la’aanta bulshada (Taxanaha 3aad | daawo)
Fariin Ku Socota Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
DAREEN 2aad: Abaarta SIMA iyo Saamaynteeda

Jilaaga Jilaaga afaraad ee an idiin hayno wuxuu noqon doona Hrithik Roshan wuxuu dhashay 10th January 1974 ,waa jilaa si fiican u yaqaan ciyaaraha qoob ka ciyaarka, isagoo filimadda jacaylka ah inta baddan qayb muhiim ah ka qaatay. Hrithik Roshan wuxuu filimkiisi ugu horeyeey uu jillo ahaa Kaho Naa… Pyaar Hai  sanadkii 2000 ,kaas oo uu ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Filmfare Awards, Xidigan ayaa noqday mid baddalay Suuqyada Filimada india ,isagoo kor u qaaday shirkadaha Filimadda soo saara ,xiligaas oo ahaa Jilaa Cusub.

Filimkaas kowaad Kaho Naa… Pyaar Hai  kadib wuxuu kasoo dhexmuuqday Filimo kale oo jacayl ah oo ay kujiraan jilayaal caan ah, kaas oo lagu magacaabo  Kabhi Khushi Kabhi Gham taarikhdu markay ahayd (2001) filmkaas oo  u aad ugu shaacbaxay kaalin libaaxlena uu ka qaatay,

waxaa kale oo uu soo bandhigay filamada Zindagi Na Milegi Dobara oo u jilay sanadka markuu ahaa  2011 sido kale filimada kale ee caanka ah waxaa kamid ahaa Koi… Mil Gaya,Kaabil,Guzaarish,Hrithik wuxuu gursaday gabar lagu magacaabo Sussanne Khan ,waxay u dhashay labo caruur ah balse sanadkii 2014 ayay kala tageen.

PAGES

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: