Site icon Radio Daljir

10 Jilayaal Bollywood ugu caansan ahaana heerka koowaad sannadihii 2000-2018 (sawirro)

Kulanti wacan Saxiibadda ku xirran Radio Daljir. Maanta waxaan idiin soogudbinaynaa 10 jile ee Bollywood kuwooda ugu wanaagsan sanadihii 2000 ilaa 2018 oo haatan gabagabo ku dhow, waxaana jeclaysanay maanta inaan wax baddan ka ogaano Taarikhda Jilayaashaas iyo Filimadda ay kusoo caanbaxeen.

Jilaaga Caanka ah ee Reer hindiya ayaan ku bilaabayna waa Sharukh Khan oo dadka qaar u yaqanaan Abaha Jacaylka (Father of love), wuxuu dhashay 2 November 1965, wuxuuna ku dhashay Magaaladda New Dalhi ee dalka India. Xaaskiisa waxaa lagu magacaaba Gauri Khan, isagoo guursaday sannadka markuu ahaa 25 October 1991, saddex Caruur ah ayaay u dhashay oo kala ah labo wiil iyo Gabar oo magacyadooda kala yihiin AbRam khan, Aryan khan iyo Suhana.

Sharukhaan Jilidda Filimadda Wuxuu bilaabay Sanadihii 1988-1990 ,isago xiligaas filimadiisa Actorkan kusoo bandhigay Talefishinadda Waddanka India ,Filimkiisi ugu horeyeey wuxuu noqday Deewana (1992) ,waxaa kale oo kamid ah Filimadiisa la jecelyahay Darr (1993), Baazigar (1993), and Anjaam (1994)  Baadshah (1999) sido kale Filimada kale ee ugu waanagsana abaalmarino qaali ahna uu ku helay kamid ahaa Kuch Kuch Hota Hai (1998), Om Shanti Om (2007), and Chak de! India (2007)

Jilaaga labaad ee an soo qaadan Doono wuxu noqonayaa Irrfan Khan waa Jilaa inta baddan lagu yaqaan Filimadda Qosol qosalka ah ama Shactirada ah, wuxuu ku dhashay Magaaladda Jaipur ee dalka India  sanadku markuu ahaa, 1967 7  January  ,waa 51 sano jir  ,jilaagan ayaa ka qayb galay riwayado dhowr ah oo uu abaalmarino caalami ah ku helay, Filimkiisi ugu horeyeey wuxu ahaa mid madaadalo ah oo lagu magacaabo Paan Singh Tomar ,sido kale filimada kale ee uu soo jilay waxaa kamid ahaa  Haasil, Nolosha Miyuuh, Maqbool, Lunchbox, Piku iyo Talvaar. Galbeed wuxuu leeyahay filimooyin badan sida Namesake (2006), New York, I Love You (2008), A Mighty Heart (2007), Darjeeling Limited (2007), The Amazing Spider-Man (2012), Life of Pi (2012), iyo Jurassic World (2015)  dhamaan filimadaas waxay noqdeen kuwa uu kusoo caanbaxay.

Jilaaga Sadexaad ee an ka hadli doono taarikhdiisa waa Akshay Kumar oo ay somaalidu u taqaan Mastaraboon, waa jilaa soo bandhigo filimo jacayl iyo dagaalba, waa Jilaa la wadda jacelyahay tageerayaal baddana kuleh dunida.

Akshay Kumar wuxuu dhashay  September 9, 1967 ,wuxuu wax kusoo bartay Macad farshaxanka lagu barto oo kuyaala Magaaladda Hong Kong ,isagoo xiisayn jiray farshaxanka ,jilaagan ayaa filimada uu jilo waxaa ka muuqata xirfad balaaran iyo in uu u diyaarsanyahay filimkaas uu jilayo ,filimkisa ugu horeyeey wuxuu ahaa Saugandh taarikhda filimkaas uu jilay waa (1991) filimada kale ee caanka kuyahay ee la jecelyahay waxaa kamid ah Mr. Bond (1992), Khiladi (1992), Main Khiladi Tu Anari (1994), Mr. & Mrs. Khiladi (1997) and Khiladi 420 (2000) Airlift (2016), Baby (2015) and Rustom (2016) ma ahaa filimadiisa oo idil intaas oo kaliya oo way kabadanyihin balse tusaale ahaan ayaan usoo qaadanay , Akshey wuxu leeyahay hal xaas oo lagu magacaabo  Twinkle Khanna oo ay is guursadeen 2001 ,waxayna u dhashay labo Caruur ah .

Jilaaga Jilaaga afaraad ee an idiin hayno wuxuu noqon doona Hrithik Roshan wuxuu dhashay 10th January 1974 ,waa jilaa si fiican u yaqaan ciyaaraha qoob ka ciyaarka, isagoo filimadda jacaylka ah inta baddan qayb muhiim ah ka qaatay. Hrithik Roshan wuxuu filimkiisi ugu horeyeey uu jillo ahaa Kaho Naa… Pyaar Hai  sanadkii 2000 ,kaas oo uu ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Filmfare Awards, Xidigan ayaa noqday mid baddalay Suuqyada Filimada india ,isagoo kor u qaaday shirkadaha Filimadda soo saara ,xiligaas oo ahaa Jilaa Cusub.

Filimkaas kowaad Kaho Naa… Pyaar Hai  kadib wuxuu kasoo dhexmuuqday Filimo kale oo jacayl ah oo ay kujiraan jilayaal caan ah, kaas oo lagu magacaabo  Kabhi Khushi Kabhi Gham taarikhdu markay ahayd (2001) filmkaas oo  u aad ugu shaacbaxay kaalin libaaxlena uu ka qaatay,

waxaa kale oo uu soo bandhigay filamada Zindagi Na Milegi Dobara oo u jilay sanadka markuu ahaa  2011 sido kale filimada kale ee caanka ah waxaa kamid ahaa Koi… Mil Gaya,Kaabil,Guzaarish,Hrithik wuxuu gursaday gabar lagu magacaabo Sussanne Khan ,waxay u dhashay labo caruur ah balse sanadkii 2014 ayay kala tageen.

Jilaaga shanaad waa Salman Khan oo dhashay December 27, 1965, wuxuu kamid yahay jilayaasha aadka lagu jecelyahay dalkaas india ,waana xidig filimo jacayl ah iyo kuwo dagaal ahba soo bandhiga.

Salmaan wuxuu bilaabay jilida Filimada sanadka markuu ahaa 1978), isago xiligaas filimki uu jilay uu kamid ahaa Biwi Ho To Aisi (1988) sido kale filimada kale ee kaalinta weyn ka qaatay waxaa kamid ahaa Maine Pyar Kiya (1989)wuxuna ahaa filim jacayl ah ,filimkiisi kale  ee Sajan oo uu soo saaray (1991) ayaa noqday mid wanaagsan oo soo jiidasho leh ,dhinaca kale filimada kale waxaa kamid ahaa Own Style (1994), Hum Aapke Hain Koun…! (1994), Karan Arjun (1995), Khamoshi: The Musical (1996),sido kale abaalmarino caalami ah ayuu ku guulaystay jilaagan waxaana kamid ah National Film Awards,Filmfare Awards.

Jilaagan malaha xaas iyo saxiib, inkasto xiriir hoose la soo sameyeey atariishooyin kala duwan haddana ilaa hadda ma noqon jilaagan mid xaas leh.

Ajay Devgn waa jilaaga lixaad ee aan soo qaadan doono ,Ajay Devgn wuxuu dhashay April 2, 1969 waa 49 sano jir ,waa jilaa waana soo saare sido kale Ajay filimkiisi ugu horeyey wuxuu ahaa Phool Aur Kaante sanadka markuu ahaa (1991) filmkaas oo uu ku helay abaalmarinta caalamiga ah ee Filmfare Award, sido kale waxaa jiray filmo kale oo uu maskaxdiisa ka keenay ama curiyeey waxaana kamid ahaa Courage  oo soo baxay sanadkii (1992)

Jilaagan filimadiisa kale ee uu kusoo shaacbaxay waxaa kamid ahaa Dilwale (1994), Suhaag (1994), Naajayaz (1995), Diljale (1996),isago abaalmarino wanaagsan ku helay dhamaan filimadaas.

Ajay Devgn xaaskiisa waa atariishada Caanka ah ee Kajol waxayna u dhashay labo caruur ah .

Jilaaga Todobaad ee kale waa Sanjay Dutt oo ay somaalidu u taqaan Altamoodo wuxuu dhashay July 29, 1959 wuxuu ku dhashay jilaagan Magaaladda  Bombay ee Dalka India ,waa jilaa filimo baddan oo dagaal ah dhigay iyo kuwo jacayl ahba.

Filimkiisi ugu horeyaay wuxuu ahaa Rocky oo soo baxay sanadkii (1981) filmkaas oo noqday mid kor u kacay ,inkasto Sanjay Dutt uu ahaa jilaa aad u isticmaala daroogada haddana filimada qaar waxaa jiray in hoos ay u dhacaan ,kadib markii la ogaaday in uu daroogada isticmaalo,dhowr jeer ayaa loo xiray arrimo la xiriira daroogada.

Sanjay filimada lagu amaanay waxaa kamid ahaa Daag, The Fire (1999),  Kashmir (2000), Haseena Maan Jaayegi (1999) iyo Reality (1999) dhamaan filimadas waxay noqdeen kuwo aad loo xiisayn jiray sanadaas.

Paresh Rawal waa jilaa caan ah oo ka qayb qaata Filimada qosolka iyo waliba kuwa dagaalka ah ,wuxuna xiliyadiisi hore keeni jiray filimada dagaalka ah oo laadarinta ugu waaweyn india, sido kale wa soo saare ,wuxuu dhashay May 30, 1950 ,isago ku dhashay Magaaladda Bombay ee dalka India .

Jilaagan Filimada uu soo saaray waxaa kamid ahaa  Hera Pheri (2000) ,OMG: Oh My God! (2012) iyo Awara Paagal Deewana (2002),xaaskiisa waxaa lagu magacaaba Swaroop Sampat waxayna u dhashay labo Caruur ah.

Aamir khan waa Jilaa caan ah oo firfircoon sido kale jilista Filimada kala duwan kaalin muuqata ka qaatay , shakina kuma jiro inuu kamid yahay jilayaasha dunida ugu wanaagsan,wuxu soo jilay filimaan baddan oo loo wadda bogay dal iyo dibadba.

wuxuu dhashay March 14 1965 ,wuxuna ku dhashay Cisbitaal lagu magacaabo Family Hospital oo kuyaaal magaaladda Mumbai  ee dalka india.

Jilaagan filmo badan oo 3 gaaraya ayaa ka xumaaday sido kale waxaa jiray filmkisi ugu horeyeey in uu ahaa film caruureed wuxuna soo muuqday filmkaas oo ahaa Procession of Memories (1973)  kaas oo ku saabsana sheekooyinka caruurta.

Xusuusta filimadiisa kale waxaa kamid ahaa  From Doom Till Doom (1988) Drunk (1974).Raja the Indian (1996), Lagaan: Once Upon a Time in India (2001), Dil Chahta Hai (2001), Rang De Basanti (2006), Jo Jeeta Wohi Sikandar (1992) and Everyone Has Their Own Style (1994) wuxuna helay abaalmarino badan oo ay kamid tahay  Filmfare Awards, four National Film Awards.

Xaaskiisa waxaa lagu magacaaba, Kiran Rao waxayna u dhashay sadex caruur ah ,horey ayuu sido kale usoo guursaday Reena Dutta ,inkasto ay kala tageen sanado kadib wuxu dib u guursaday  Kiran Rao oo ahayd Soo saare film.

Jilaaga ugu dambeeya ee an ka sheekayn doono waxaa uu yahay Amitabh Bachchan oo Somaalidu u taqaan Cali dheere, ama jilba dheere, wuxuu keenay filimo badan oo cajiib ah qisooyina ku duganyihiin, Amitabh Bachchan sido kale waa Gabyaa.

wuxuu dhashay Aktober 11, 1942, xiligan waa 75 sano jir, wuxu jilay filimo kala duwan, filimkiisi ugu horeyaay wuxuu ahaa Mrityudaata oo sabaxay (1997), kaas oo uu si fiican suuqyadda caalamka ugu shaacbaxay, inkasto ilaa 4 filim ay noqdeen kuwo xumaaday oo si fiican looga daawan shaleemooyinka.

waxaa kamid ahaa filimada uu soo jilay Mohabbatein (2000), Kabhi Khushi Kabhie Gham (2001)  Baghban (2003) and Khakee (2004), kuwaas waa filimadiisa ugu caankan Bollywoodka.

Atariishada Jaya Bhaduri, ayuu guursaday waana jilaa filmo baddan ayeey la keentay oo jacayl ah sida filmka  Kabhi Khushi Kabhie Gham, labo caruur ah ayeey hadda u haysaa inta la ogyahay.

Diwaanka Wararka Daljir 

Maxamed Lakiman

Exit mobile version