Dhaqdhaqaaqa Kalabayr: Ha dooran Baarlamaan shaqodoon ah oo masiirka ummadda ku cabira baahidooda shakhsiga ah (daawo)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Dhaqdhaqaaqa Kalabayr: Ha dooran Baarlamaan shaqodoon ah oo masiirka ummadda ku cabira baahidooda shakhsiga ah (daawo)

Waa farriin ku socota bulshada Puntland, kana dardaarmaysa in bulshadu ay soo xulaan Xildhibaano xalaal ah oo ehel u ah xaqiijinta masaaliixda sare ee

ARDAA: Xalqaddii 41aad ee ARDAA iyo Maroorsanaanta Dowladnimo ee Soomaaliya (dhegayso)
ARDAA: Xalqaddii 32aad ee Taxanayaasha ARDAA
Kulanka Haweenka – Taxanaha 18aad: Hormarka haweenku waa hormarka dalka (dhegayso)

Waa farriin ku socota bulshada Puntland, kana dardaarmaysa in bulshadu ay soo xulaan Xildhibaano xalaal ah oo ehel u ah xaqiijinta masaaliixda sare ee caamka ah ee ummadda Puntland iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed. Dhaqdhaqaaqa Kalabayr waxaa kale oo uu ka dagaalamayaa in Baarlamaanka ay soo galaan dad shaqodoon ah oo masiirka ummadda ku cabira baahidooda shakhsiga ah.

Hoos ka daawo.

Farriinta Daah-furka Dhaqdhaqaaqa Kalabayr

Dhaqdhaqaaqa Kalabayr waa kacdoon bulsho oo yoolkiisu yahay in dadka reer Puntland oo ay ugu horreeyaan dhallinyaradu u qumaan hubinta in xubnaha barlamaanka Puntland ee 2019-ka noqdaan kuwa ka tarjumaya rabitaanka iyo dareenka shacbiga, oo marka hore doorta hoggaan karti leh marka dambana ku ilaaliya kuna xisaabiya waajibaadkiisa.

Posted by Dhaqdhaqaaqa Kalabayr on Wednesday, September 19, 2018

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: