HomeUncategorized

RW Cumar oo Maanta dib ugu soo laabtay Dalka

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Lataliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqoday.

Wariyayaal u Xirnaa Dowladda Somalia oo la sii Daayay
Fadhigii baarlamaanka federaalka oo lagu waday in la horgeeyo R/wasaaraha cusub oo maanta baaqday.
Dowladda Puntland oo si Maqaam sare leh u xustay 1-da Luuliyo

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Lataliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqoday.

Ra’iisul Wasaraha iyo waftigiisa ayaa booqasho qaadtay sadex maalin waxay ku joogaan dalka Isutaga Imaaradka Carabta oo ay marti qaad ka heleen madax dalkaas, waxayan kulamo gooni gooni ah la soo qaata madaxda ugu saraysay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii u soo qabsoomay waftiga intii ay ku suganaayeen magaalda Dubai.

“Waxaan la kulanay madax kala duwan, waxaana kawada hadlnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya laba dal. Dowlada Soomaaliyana waxay uga mahadcelisay dowalada Imaaradka Carabta kaalamada balaaran ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya taas oo isugu jirta dib u dhiska, tababarka ciidamadda, arrimaha gar gaarka, iyo caafimaadka” ayuu yiri Wasiir Maareey.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: