Wariyayaal u Xirnaa Dowladda Somalia oo la sii Daayay

Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (Daljir) —Waxaa xabsiga laga sii daayay Agaasimaha xaruunta Bariga Africa Ee Tv-ga Universal Cabdullahi Xirsi iyo Wariye Cawil Dahir Salaad, oo ah Barnaamij soo saare.

Labada Wariye ayaa waxaa la xeray 2-dii  October ee sanadkaan 2015 iyadoona ay xabsiga dhigeen ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya.

Wariyeyaasha waxa lagu sii daayay Damaanad aan faahfaahin badan laga bixin sida ay baahisay Warbaahinta Dowlada Soomaaliya.

Sii deynta Suxufiyiintan ayaa waxaa ay imaaneysaa iyadoo maanta uu gudoomiyaha baarlamaankaMaxamed Sheekh Cismaan Jawaari  uu ku dhawaaqay in lasii daayo oo xuriyadooda ay dib u helaan.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com