HomeUncategorized

Barlamaanka Kenya oo diiday in khasab lagu Celiyo Qaxootiga Soomaaliyed

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Afhayeenka Aqalka senedka ee Barlamaanka Kenya, Ekwe Ethura ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Xukuumadda Kenya xushmeyso Heshiisyadda Caalamiga ee Dhowrista Qaxootiga, isla markaana Qaxootiga Soomaalida aan khasab lagu celin kaarin.

Prof. Axmed Muumin Warfaa, oo la-taliye sare u ahaa m/weyne Shariif oo is casilay.
Dowladda Uganda oo qiratay in Alshabaab ciidamo uga haystaan Soomaaliya.
DHEGEYSO-Maamulka gobolka Karkaar oo ka warbixiyey roobabkii gobolka ka da’ay.

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) —  Afhayeenka Aqalka senedka ee Barlamaanka Kenya, Ekwe Ethura ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Xukuumadda Kenya xushmeyso Heshiisyadda Caalamiga ee Dhowrista Qaxootiga, isla markaana Qaxootiga Soomaalida aan khasab lagu celin kaarin.

Waxa uu Suxufiyiinta ugu sheegay magaalladda Nairobi in loo baahan yahay inay Xukuumadda wada xaajood la galaan Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, si loo sahmiyo qaabka ugu wanaagsan ee Qaxootigaas ugu laaban karaan dhulkooda hooyo.

Ekwe Ethura waxa uu tilmaamay inay Mudanaayasha Barlamaanka Kenya ka biyo diidsan yihiin in dib lo oceliyo Qaxootiga Soomaalida, tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaankooda.

Hadalka Barlamaanka Kenya ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, William Rutto amar ku bixiyey inay Hay’adda UNHCR muddo saddex bilood ah ku daad-gureeyaan Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Xeradda Dhadhaab oo ah Xeradda ugu ballaaran Caalamka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: