Somaali looga Shakisan-yahay Al-shabab oo Tanzania lagu xir-xiray

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Ciiddanka Ammanaka ee dalka Tanzania ayaa sheegay inay qabteen 10 qof oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabaab.

Taliyaha Boliska dalkaasi, Paul Chagonja ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS  inay Eedeysanayaashaasi ku qabteen Degmadda Kilombeero ee Gobalka Morogoro oo qiyaastii 200-KM dhanka Bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Darasalaam.

Dhinaca kale,  Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay in heegan buuxa la geliyey, tan iyo wixii ka dambeeyey, markii ay Xarakadda Alshabaab bilowgii bishan weerarka ka geysteen Jaamacadda Garissa ee dalka Kenya, laguna dilay 148-qof.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com