HomeUncategorized

Xuska Maalinta ciidanka xoogga dalka oo ka socoto Mqudisho iyo Gobolada dalka

Muqdisho, 12 - April - 2016 Munaasabado lagu xusayo maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April ayaa maanta ka socoto magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo xafladahaasi ay yihiin kuwa lagu weynaynayo aas aaska ciidanka xoogga dalka.

(Dhagaso) Khamiis 14- April – 2016 Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir Caawa Wariye Cabdixakiin Xuseen Xassan
Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay isgoyska KM4, Muqdisho.
(Dhagayso) Maamulka G. Nuugaal oo saraakiisha ammaanka ku eedeeyay rasaas xalay laga maqlayay gudaha magaalada Garowe.
Muqdisho, 12 – April – 2016 Munaasabado lagu xusayo maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April ayaa maanta ka socoto magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo xafladahaasi ay yihiin kuwa lagu weynaynayo aas aaska ciidanka xoogga dalka.
 
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo saaka ay xiran yihiin qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.
 
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay dhoolatus Militari iyo gaada ka cayaar ku soo bandhigaan xuska aas aaska ciidamada xoogga dalka ee ka soo wareegatay 56-guuradii.
 
Xafladda ayaa lagu qabanayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah kuwa maamul goboleedyada ay ka qeyb geli doonaan, sidoo kale Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo marti sharaf kale ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan.
 
12-ka April ee sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii la aas aasay ciidanka xoogga dalka.
 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: