(Dhagayso) Maamulka G. Nuugaal oo saraakiisha ammaanka ku eedeeyay rasaas xalay laga maqlayay gudaha magaalada Garowe.

Garowe, July, 28, 2015 –  Magaalada Garowe waxaa xalay saqdii dhexe laga maqlayay rasaas noocyo kale duwan, waxaana dhaawac-may hal qof inta la hubo, dhacdadaasi waxaa jawaab kulul ka bixiyay maamulka gobolka Nuugaal.

Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee Puntland C/llaahi Ciise Aw-Axmed oo u waramay Radio Daljir ayaa ku eedeeyay saraakiisha ammaanka Puntland mas’uuliyad-daradii rasaastii xalay ka dhacday magaalada Garowe.

Guddoomiyuhu waxaa uu xusay ammaro ay soo saareen maamulka gobolka Nuugaal, taasi oo la xiriirta inaan ciidanku rasaas la dhexmari Karin gudaha magaalada iyo awaamiir-kale.

Halkaan hoose ka dhagayso waraysi uu Guddoomiyaha gobolka Nuugaal la yeeshay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com