HomeUncategorized

(BAYAAN) JAALIYADDA PUNTLAND EE WAQOOYIGA AMERICA BAYAAN DIIDMO: MAYA 4.5; MAYA KELI-TALISNIMO

USA - APRIL - 2016 - JAALIYADDA PUNTLAND EE WAQOOYIGA AMERICA BAYAAN DIIDMO: MAYA 4.5; MAYA KELI-TALISNIMO (BAYAAN)

Booliska Kenya oo saaka xaafada Islii ee Nairobi ku dilay labba ruux oo lagu sheegay Argagixiso
Ninkii weeraray masjidka Galkacyo oo dhintay, iyo dadweynaha & bilaysku oo iska kaashaday qabashadiisa .
Dadweynaha Bosaaso oo Diyaar-garow ugu jira Munaasbadda Ciidul-Fidriga

JAALIYADDA PUNTLAND EE WAQOOYIGA AMERICA

BAYAAN DIIDMO: MAYA 4.5; MAYA KELI-TALISNIMO

 

Ku: Guddoonka Baarlamaanka Puntland

Ku: Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland

Ku: Isimmada Puntland

Ku: Ururada Bulshadda Rayadka ah & Indheergaradka Puntland

Ku: Warbaahinta Puntland

Og: Jaaliyadda Puntland ee Waqooyiga Maraykanlka

 

Annaga oo ah jaaliyadda Puntland ee Waqooyiga Maraykanka,

 

􀁸 Tixraacayna heshiiska ku taariikhaysan 3-da Abril, 2016, cinwaankiisuna ahaa “Heshiis

dhex maray dawlada federaalka ah ee Somaliya iyo dawladda Puntland”,

 

􀁸 Garowsan sooyaalka dhaw iyo dheer ee Puntland iyo Soomaaliya,

 

􀁸 Tixgelinayna duruufaha siyaasadeed, amni, iyo ammaan ee haysta Puntland iyo

 

Soomaaliya,

Waxaan diidan nahay dhabar-jebinta talada masiiriga ah ee shacabka Puntland ku diideen doorasho

ku salaysan nidaamka afar-shan (4.5), iyagoo go’aankaas ku gaarey hannaan aftiyeed

(Representative referendum).

 

1. Waxaa ayaan darro ah in madaxweynaha Puntland dhabar jebiyey talada iyo go’aanka

 

shacabka. Waxaa xad gudub ah in madaxweynuhu marin habaabiyey aragtida,

mawqifka siyaasadeed iyo codka shacabka Puntland kaga tala bixiyeen doorashada

2016.

2. Waxaa guul darro ah in madaxweynaha Puntland oggolaaday heshiis (fulinta habraaca

4.5) sharci darro iyo xad gudub ku ah dastuurrada Puntland iyo Federaalka.

3. Oggolaansho Ciidamo Shisheeye

Heshiisku waxa uu qeexayaa in IGAD dammaanad qaadday fulinta heshiiska;

ujeeddada dammaanaddu waa in shacabka loogu hanjabo in la keeni doono ciidan

shisheeye oo xoog ku fuliya nidaamka 4.5 haddii shacabka Puntland ku adkaysto

go’aankooda; oggolaanshaha dammaanaddu waxay khatar ugub ah ku tahay in

shacabka Somalidu si madax bannaan uga tashado aayihiisa. Waa ayaan darro aan

marna la aqbali karin in madaxweynaha Puntland oo aan la tashi la samayn hay’adaha

kale ee dawliga ah, taladana aan ku soo celin shacabka Puntland sidii uu ballan qaaday,

jideeyey heshiis xambbaarsan dammaanad ay ku yimaadaan ciidamo shisheeye oo loo

adeegsado cabburinta shacabka.

4. Baahida Isu-dheellitirka Hay’adaha Dawliga ah

Xildhibaannada Puntland waxa ay lumiyeen waajibaadkooda dastuuriga ah ee

dhawridda shuruucda dalka, waxa ay gabayn xilka ka saaran la xisaabtanka

xukuumadda iyo isu-dheellitirka hay’adaha dawliga. Xil gudasho la’aantoodu waxa

ay dhalisay in ay Puntland soo food saaraan dhibaatooyin saamayn culus ku yeesha

badbaadada, jiritaanka iyo midnimada Puntland.

5. Madax bannaanida warbaahinta xorta ahi waa dastuuri

Waxa ay xukuumaddu joogteysay ku xad-gudubka xuquuda iyo madax bannaanida

warbaahinta Puntland. Hanjabaadda, xabbiska iyo faragelinta xukuumaddu ay

warbaahinta ku hayso waa sharci darro u baahan xakamayn degdeg ah.

Haddaba, annaga oo tixraacayna qodobbada kor ku xusan oo ayan noo muuqan sabab looga guuro

go’aanka shacabka Puntland ku diideen hannaanka 4.5, waxaan soo jeedinaynnaa in Isimmada iyo shacabka Puntland wadajir ugu hawlgalaan in baarlamaanka Puntland lagula xisaabtamo in uu xal degdeg ah ka gaaro arrimaha hoos ku qoran:

1. Heshiiska lagu dhabar-jebiyey go’aanka shacabka Puntland ma dhaqan geli karo, sharcina ma noqon karo haddii aan haddaan baarlamaanku ansixin. Waxaan codsanaynaa in baarlamaanku heshiiska degdeg uga doodo, go’aan ka tarjumaya rabitaanka shacabkana ka

gaaro; isla markaasnna sharciyeeyo in aan dawladda Puntland iyo dadkeedu ka qayb noqon

doorasho aan ku salaysnayn hab deegan.

2. In madaxweynaha lagula xisaabtamo go’aamadiisa aan waafaqsanayn dastuurka Puntland iyo marin habaabinta, khayaanada iyo dayaca danaha masiiriga ah.

3. In lagula xisaabtamo hoggaanka Puntland sugidda iyo adkaynta amniga iyo ammaanka Puntland.

Waxaa saxiixay:

Number Name City Country

1 Cisman Xaji Nur Toronto Canada

2 Cawad Cashara (Ka mid ah Bud-dhigayaasha Puntland) Toronto Canada

3 Cabdidahir M. Yusuf Burke Virginia (USA)

4 Saciid Maxamed Maxamuud ( Dhafuuje) Toronto Canada

5 Cisman Axmed Shiikh Isxaaq Minneapolis Minnesota (USA)

6 Cabdullahi Aw-Muuse Cali Toronto Canada

7 Cabdullahi Cali Faarax (Fuudhe) Toronto Canada

8 Maxamed Muuse Cartan Toronto Canada

9 Maxamuud Maxamed Muuse (MMMuuse) Toronto Canada

10 Maxamed saalax cabdalla Toronto Canada

11 Cabdi Muuse Cismaan (Madax,

 

Toronto Canada

 

12 Maxamuud Cabdishakuur Maxamed Cali-Ilweyn Toronto Canada

 

13 Maxamed Jaamac Cali (MJ) Toronto Canada

 

14 Bashir Cali Salaad Takar Toronto Canada

 

15 Burhaan Axmed_Yassiin Daboole Toronto Canada

 

16 Bashiir Maxamed Muuse Toronto Canada

 

17 Maxamed Aadan dalab Toronto Canada

 

18 Mahdi Cabdi cali Toronto Canada

 

19 Muuse Jaamac Cigaal Toronto Canada

 

20 Cali Cabdulle Xoosh Toronto Canada

 

21 Maxamuud Duucaale Cali Toronto Canada

 

22 Br. Siciid Yuusuf Diiriye Toronto Canada

23 Cabdifataax Warsame (Maroyare) Toronto Canada

 

24 Cabduullahi Maxamed Muuse Toronto Canada

 

25 Cabdiwaaxid Axmed Indhayare Toronto Canada

 

26 Cabdulqaadir Cabdi Cismaan (Fagaase) Toronto Canada

 

27 Axmed_Yaasiin Maxamed Sooyaan Toronto Canada

 

28 Faarax Maxamed Cadde Toronto Canada

 

29 Faysal Xaaji Ducaale Toronto Canada

 

30 Ibrahim Maxamed Muuse Toronto Canada

 

31 Cabdirashid Aadan-Dalab Faarah Toronto Canada

 

32 Liiban Cisman Toronto Canada

 

33 Cali Mohamed Budeeye Toronto Canada

 

34 Mahdi Mohamed Aden Toronto Canada

 

35 Ayuub Haashi Ismaaciil Toronto Canada

 

36 Eng. Xassan Dhollawaa Toronto Canada

 

37 Cabdirizaak Faarax Toronto Canada

 

38 Ibrahim Cali Biixi (Cirmar) Edmonton Canada

 

39 Cabdullaahi Xandulle Edmonton Canada

 

40 Cabdirizaak D. Faarah Edmonton Canada

 

41 Cabdicasiis Cali Biixi Edmonton Canada

 

42 Yusuf A. Gaas Edmonton Canada

 

43 Faarxan M Xirsi Edmonton Canada

 

44 Cumar Aadan Jigis Edmonton Canada

 

45 Ubax H. Daahir Edmonton Canada

 

46 Sacdiya Y. Khalaf Edmonton Canada

 

47 Faadumo Bashiir Edmonton Canada

 

48 Cawil Axmed Edmonton Canada

 

49 Xakiim D. Axmed Edmonton Canada

 

50 Axmed Xaji Xirsi Dhiin Edmonton Canada

 

51 Mursal Yaasin Tumey Winnipeg Canada

 

52 Maxamuud Alloore Fort McMurray Canada

 

53 Xassan Xaaji Yusuf Fort McMurray Canada

 

54 Axmed Suleimaan Fort McMurray Canada

 

55 Cabdullahi A. Yassin Fort McMurray Canada

 

56 Cabdixannan Xusseen Fort McMurray Canada

 

57 Cabdisalaam Jaamac Fort McMurray Canada

 

58 Fatma Ibrahim Fort McMurray Canada

 

59 Ayan Sh. Xassan Fort McMurray Canada

 

60 Badruddiin Maxamed Fort McMurray Canada

 

61 Xusseen Cali Fort McMurray Canada

 

62 Mustafa M. Cumar Fort McMurray Canada

 

63 Jibriil Cali Calgary Canada

 

64 Khaliif Guureeye Kaarshe Calgary Canada

 

65 Guure Uunlaye Nairobi Kenya

 

66 Cadeed Saadiq Maxamed Atlanta Georgia (USA)

 

67 Liiban Bashiir Cali Annandale Virginia (USA)

 

68 Saciid Axmed Gaashan Minneapolis Minnesota(USA)

 

69 Saleeban Maxamed Wabari Falls church Virginia (USA)

 

70 Mj (Booyaax) Farax Boston Massachusetts (USA)

 

71 Maxamed Warsame Ikhyar Alexandria Virginia (USA)

 

72 Safiya Yaasin Faarax Minneapolis Minnesota (USA)

 

73 Xirsi Seyidiin Delaware Delaware (USA)

 

74 Maxamed Cabdi Axmed Fairfax Virginia (USA)

 

75 Maxamed Baari Cadde Atlanta Georgia (USA)

 

76 Farax Comar Ciise Atlanta Georgia (USA)

 

77 Faadumo Moolas Minneapolis Minnesota(USA)

 

78 Barkhad Timir Yusuf Chicago Illinois(USA)

 

79 Cabdirizaaq Xassan Xaji Jamac Atlanta Georgia (USA)

 

80 Ciisse Cali Roble ( Hillaac) Atlanta Georgia (USA

81 Maxamed Axmed Yabaq Edmonton Canada

 

82 Cabdullahi Khaliif Abdikariim Atlanta Georgia (USA)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: