HomeUncategorized

Booliska Kenya oo saaka xaafada Islii ee Nairobi ku dilay labba ruux oo lagu sheegay Argagixiso

Nairobi, November 13, 2013 - Ciidamada booliska ah ee toogashada ku dheereeya ee dalka Kenya ayaa saaka arroortii hore waxay labba ruux ku dileen xaafada Soomaalidu degto ee Islii, gaar ahaan jidka 12-aad.

Madaxweynaha Xasan sheikh oo safaro uu ku tegayo ilaa USA ay maanta uga bilowdeen Talyaaniga
Shirka wad-tashiga Muqdisho oo lagu wado in la soo Af-meero

Nairobi, November 13, 2013 – Ciidamada booliska ah ee toogashada ku dheereeya ee dalka Kenya ayaa saaka arroortii hore waxay labba ruux ku dileen xaafada Soomaalidu degto ee Islii, gaar ahaan jidka 12-aad ee magaalada Nairobi.

Toogashada lagu dilay labbada ruux ayaa ka dhacday meel ku dhow dhismaha KBC Garage ee xaafada Soomaalida, booliska ayaa sheegay in raggan ay ahaayeen argagixiso.

Madaxa booliska magaalada Nairobi Benson Kibue oo saxaafada la hadlay waxaa uu sheegay in ragga la toogtay ay ku hubaysnaayeen bistoolado iyo bam-gacmeed, hadalkiisa ayuu ku daray in ay abbaabulayeen dilal qorshaysan iyo qaraxyo.

Benson Kibue. Waxaa uu sheegay in ciidanka booliska ee Kenya ay mudo ku raad-joogeen ragga la toogtay.

?Boolisku waxay sheegeen in raggan ay ka dambeeyeen weerar qarax ah oo khasaare badan dhaliyey kaas oo bishii December ee sanadkii hore lala eegtay xilibaanka laga soo doorto xaafada islii ee Kamakunji.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: