HomeUncategorized

Shirka wad-tashiga Muqdisho oo lagu wado in la soo Af-meero

Axad, September 20, 2015 (Daljir) —Shirka wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho.

“Ma sheegan, mana ihi anigu Al-Shabaab” Wariye Cawaale Jaamac Salaad.
DHAGAYSO:Danyarta Degan Hareeraha Dekadda Bosaaso oo Cabasho Muujiyay
Banaanbaxyo ka dhacay dalka Baxrayn ,iyadoo lagu jiro sanad-guuradii kowaad ee kasoo wareegtay kacdoonkii dad-weyne ee dalkaasi

Axad, September 20, 2015 (Daljir) —Shirka wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkaan ka qeybgalaya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Gudoomiye Jawaari, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyhanaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, qaar ka mid ah Wasiirada dowladda Federaalka, IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Shirkaan ayaa looga tashanayaa hanaanka doorashada 2016-ka ay noqoneyso iyo sidoo kale ka hadalka khilaafyada jira. Gabagabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan wax la isku fahmo iyadoo la rajeynayo in lagu dhowaqo golaha doorashooyinka qaranka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: