Tirada Askarta looga Dilay AMISOM Somalia oo la shaaciyay

Axad, September 20, 2015 (Daljir) —Baaritaan dheer oo uu sameeyey machadka cilmi baarista ee Stockholm ee wadanka Sweden ayaa lagu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ay Soomaaliya kaga dhinteen 1100 oo askari ilaa sanadkii 2009-kii.

Paul Williams  oo ah bare wax kadhiga jaamacadda George Washington University ee wadanka Maraykanka ayaa sheegay in daraasaadka uu sameeyey Machadka Stockholm uu yahay mid waxku’ool ah, wuxuuna intaasi ku daray inay meesha ka maqanyihiin askartii AMISOM ka dhimatay kahor sanadkii 2009-kii.

Prof Williams ayaa xusay in daraasada laga reebay ciidamada Ethiopia ee ku dhintay Soomaaliya dhamaadkii 2011 iyo bilowgii 2014, maadaama ciidamada Ethiopia aysan xiligaasi kamid aheyn howlgalka AMISOM ee ka socday Soomaaliya.

Ugu dambayntiina machadkaan laga leeyahay wadanka Sweden ayaa warbixinta daraasaadkaan uu sameeyey ku daray in aan tirada ciidamada AMISOM kuweydey weerarada Alshabaab ee Soomaaliya aan lagu darin labadii sano ee ugu horeysey.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com