Xukuumadda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama

HomeWararka

Xukuumadda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna cadd

Danjire Caalin oo sharraxay sababta uu Mareykanka dhaqaalihii uga jaray Falastiin (dhegayso)
Muqdisho: Nabadoonka beesha Suugow rooble & Waxgarad kale oo cambarayeey falkii lagu dilay Aadan Qodow
Isbaddalka Geeska oo gaaray Hargeysa iyo Qalbidhagax oo la soo dhaweeyey (dhegayso)

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxiyay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Mustafa bilaal 5 years ago

    Ka waran hadii aan ku idhaahdo in gantaalka la hadal hayo uu yahay been abuur ay sameeyeen qolada calanka cagaaran si ay u kordhiyaan nacaybka loo qabo iraan
    Waa xaqiiq in iraan tahay dawlad cadow u ah islaamka Lakiin wax walba in la rumaysto waa Nacasnimo

DISQUS: