Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka ‘carooday’ dad ay ciidamadiisa laayeen

HomeWararka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka ‘carooday’ dad ay ciidamadiisa laayeen

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga carooday ka dib markii ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen markii ciidama

Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo isku khilaafsan xeer ay dowladda Soomaaliya soo saartay
Tartan iyo Tacliin: Guddiga ayaa shaaciyey todoba Iskuul oo usoo gudbey Wareega 3AAD,
Dagaal culus oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga carooday ka dib markii ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen markii ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ta ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay rasaas ku fureen deegaan ku yaalla xudduudka oo ay dadka isaga gudbaan.

Waxaan dhacdadan ku dhaawacmay 15 qof oo kale.

War qoraal ah oo uu soo saaray Mr Guterres ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo ciidamada dhacdadaasi kadib.

Waxay arrin dhacday xili ay ciidamada xoog kaga soo tallaabeen xuduudka Uganda, una sii gudbeen dhanka Bariga DR Congo.

Madaxa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, Monusco, ayaa sheegay in la xiray ciidamadii dhibaatadaas geystay isla markaana la baarayo.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya in uu muran dhacay ka hor inta aysan ciidamada ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay aysan billaabin in ay dadka toogtaan.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday howlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxay dadka ku eedeeyeen ciidamada inay ku guuldareysteen inay ka hortagaan weerarada kooxaha hubeysan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: