Nabaddoon lagu dilay Afgooye & faah faahin laga helayo

Nabaddoon lagu dilay Afgooye & faah faahin laga helayo

Kooxo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bustoolado ayaa Maanta gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dismhay mid kamid ah Nabaddoonada ugu caansan degmadaas.

Nabaddoonka oo lagu Magacaabi jiray Aadan Abshir Maaddeey aaa dilkiisa wuxuu ka dhacay meel aan ka fogeyn Saldhigga Booliska Afgooye xilli uu gurigiisa oo aan ka fogeyn saldhigga uu ku sugayey Mooto uu doonayey inuu raaco balse Mootadii uu doonayey inuu raaco ay kooxda dishay kasoo dageen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggii ka dambeeyay dilka Nabaddoonka ay goobta isaga baxsadeen, waxaana meydka goobta ka qaaday Ciidamo katirsan Booliska degmada.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow dilka aan dad loo qaban, waxaana horay degmada Afgooye loogu dilay Nabaddoono iyo dad kale, dilalkaas oo ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com