Dagaal culus oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

HomeWararka

Dagaal culus oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlg

Ukrain oo u baroor diiqaysa dadkii lagu dilay Iran
Dowladda Maraykanka oo sheegtay in Somalia Duqayn kula beegsadeen Alshabaab
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka kulbiyow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka degaanka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay degaankaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhiga ay ku sugan yihiin la weeraray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: