Maamulka Jubbaland oo Saraakiisha ATMIS kala shiray howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

HomeWararka

Maamulka Jubbaland oo Saraakiisha ATMIS kala shiray howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee dowad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Amniga Ju

Taliska Booliska Gobalka Mudug oo ka hadlay Xaaladda Amni ee Gaalkacyo (dhegayso)
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Isbedel Ku Sameeyey Maamulkii Gobolka Shabeellaha Dhexe
Xasan Jabhad: “Madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalidu dad awood leh ma aha, waa dad hoosjoogayaal ah”

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee dowad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, Xoogga Dalka iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amniga guud ee Jubbaland iyo howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa Shirka warbixino la xiiira xaaladda Amni ee degaannada Jubbaland looga dhageystay Taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee Ciidanka, sida kuwa xoogga dalka, kuwa Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada ATMIS.

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee dowad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa saraakiisha Ciidamada kala duwan faray adkeynta Amniga iyo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degaannada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Jubbaland iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, hayeeshee waxaa degaannada Maamulkaas ka dhacaya weeraro ay geysanayaan Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: