Xildhibaanada Aqalka Sare  oo Maanta ka hadlay Arrinta Qudus (Sawiro)

HomeWararka

Xildhibaanada Aqalka Sare oo Maanta ka hadlay Arrinta Qudus (Sawiro)

Kulanka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho waxaana ajendayaasha ay kala yihiin ka hadlidda Go’aanka Trump ee Quddus

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Injineer Camey: “Go’aamaadii ka soo baxay shirkii Garoowe waxaan u arkaa riyo-maalmeed aan suuragal ahayn”
Garoowe Shirki Amniga oo laga soo saaray Warmurtiyeed (dhegayso)
Guddiga doorashooyinka oo maamulada u kala diray agabkii lagu codeyn lahaa

Kulanka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho waxaana ajendayaasha ay kala yihiin ka hadlidda Go’aanka Trump ee Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda iyo ka doodidda Miisaaniyadda Sanadka soo socda ee 2018ka.

Kulanka Golaha shacabka oo furmay ayaa waxaa fadhiya 159 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya,waxaana ay dood ka yeelan doonaan arrinta Quddus iyo ka doodidda Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la filayaa in uu Baarlamaanka ka hor jeediyo khudbad la xiriirta go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Magaalada Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: