Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Injineer Camey: “Go’aamaadii ka soo baxay shirkii Garoowe waxaan u arkaa riyo-maalmeed aan suuragal ahayn”

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Injineer Camey: “Go’aamaadii ka soo baxay shirkii Garoowe waxaan u arkaa riyo-maalmeed aan suuragal ahayn”

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isagoo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ee shirkii Garowe.

C/xakiin Camey ayaa madaxda maamul Goboleedyada waxa uu ku eedeeyay inay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, isagoo sheegay in wixii ka soo baxay Shirkii Garowe uu ahaa go’aano aan laga fiirsan.

“Go’aamaadasi waxaan u arkaa riyo maalmeed aan suuragal ahayn, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa wuxuu ahaa go’aan aan laga fiirsan…” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wareysi siiyey mid ka mida idaacadaha Muqdisho.

Camey ayaa soo dhaweeyay Saraakiishii ka hor yimid shirkii Garoowe ee Madaxweyne Gaas uu xilka ka qaaday , Culimada Puntalnd , iyo bayaan kii ka soo baxay Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir oo soo dhoweeyay baaqii madaxweyne Farmaajo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com