Xildhibaan lagu toogtay Laascaanood & Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay rag ay baadi goobayeen

HomeWararka

Xildhibaan lagu toogtay Laascaanood & Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay rag ay baadi goobayeen

Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe oo kamid ahaa Golaha deegaanka ee degmada ayaa hadda lagu dilay Laascanood. Koox hubeysan ayaa beegsatay xildhibaan

Wasiirka Dekedaha: “Waxaa la Fulinayaa Heshiiskii la Galay iyo Biloowgii Wareejinta Dekedda” (dhegayso)
Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay shaqaale la afduubay
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe oo kamid ahaa Golaha deegaanka ee degmada ayaa hadda lagu dilay Laascanood.

Koox hubeysan ayaa beegsatay xildhibaanka ka dibna waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidanka Somaliland oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag muddo lagu raad joogay, kuwaas oo ka Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga.

Raggaan oo ka tirsan Shabakado ay Booliska Gobolka Mudug sheegeen inay hayeen xogtooda, waxaana raggaan laga soo kala qabtay degmada Jariiban iyo degmada Galdogob ee Gobolkaasi Mudug.

Saraakiilnka tirsan Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ka Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga lala qabtay Gaadiidkii ay ku Shaqeeysanayeen, isla markaana dhawaan maxkamad la tiigsan doonaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: