Guddoomiye Sanyare: ” Waxaaan mamnuucnay hub in Gaalkacyo lagu dhexqaato

Guddoomiye Sanyare: ” Waxaaan mamnuucnay hub in Gaalkacyo lagu dhexqaato

Tan iyo markii ay ciidamad Amniga ee Puntland iyo Galmudug ay ka sifeeyeen magalada Gaalkacyo koxda Al-shabaab waxaa soo hagaagay Amaanka magaalada waxaana gobolka laga ciribtiray shabadakii ka fulinjirtay dilalka qorshaysan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in ay dardar gelin doonaan howlaha sugida Amniga Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer ay ka dhaceen weeraro iyo qorsheysan.

Waxaa uu sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay uga hortegi lahaayeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay doonayaan in ay falal amni darro ka geystaan Magaalada Gaalkacyo, markastana diyaar u yihiin suvida Amniga guud ahaan Gobolka Mudug.

Sanyare waxa uu sheegay in Gudaha Magaalada Gaalkacyo laga mamnuucay in lagu dhex waato hubka noocyadiisa kala duwan, ciddii lagu arkaana tallaabo laga qaadi soono.

Warkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli bilihii la soo dhaafay Ciidamada Puntland iyo kuwa Galnudug ay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-Sbabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com