Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay rag ay baadi goobayeen

HomeWararka

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay rag ay baadi goobayeen

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag muddo lagu raad joogay, kuwaas o

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi: “Soomaaliya meel walba waanu ka saareynaa” (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Malaysiya oo hogaanka loo doortay hogaamiyaha ugu da’da wayn ee caalamka

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag muddo lagu raad joogay, kuwaas oo ka Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga.

Raggaan oo ka tirsan Shabakado ay Booliska Gobolka Mudug sheegeen inay hayeen xogtooda, waxaana raggaan laga soo kala qabtay degmada Jariiban iyo degmada Galdogob ee Gobolkaasi Mudug.

Saraakiilnka tirsan Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ka Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga lala qabtay Gaadiidkii ay ku Shaqeeysanayeen, isla markaana dhawaan maxkamad la tiigsan doonaan.

Dhowr jeer ayaa degaano ka tirsan Gobolka Mudug waxaa ku dagaalamay Ciidamada Boolisk iyo koox hubeysan oo ka Ganacsanayay Khamriga, iyada oo qaarkood la qabtay halka qaar kale lagu raad joogo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: