Xildhibaan Cabdillaahi Black iyo Xildhibaan Aadan Saransoor oo ka tanaasulay tartanka wareegga labaad

Xildhibaan Cabdillaahi Black iyo Xildhibaan Aadan Saransoor oo ka tanaasulay tartanka wareegga labaad

Labadii musharrax ee galay kaalimaha 3aad iyo 4aad, sharciguna u ogalaanayey in ay wareegga labaad u tartamaan ayaa ka haray tartanka doorashada guddoomiyaha golaha shacabka.

Labada musharraxba waxay si toos ah iyo si dadbanba ugu muujiyeen khudbadahooda tanaasul in ay kursigaasi u doorbideen Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo wareeggii koowaad kaalinta labaad ee cod badinada ka galay.

Tallaabadaan ayaa fursad weyn siinaysa Shiikh Aadan Madoobe, taasoo uu ku hanan karo kursiga guddoomiyaha golaha shacabka.

Xildhibaan Aadan Saransoor oo musharraxa kaalinta 4aad ka galay wareeggii koowaad es codbixinta, ayaa sheegay subaxdnimadii hore ee saaka in uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada, uuna yimid Teendhada 3dii galabnimo, inkastaasna kuu ku soo jiray caqabado iyo jidgooyo suuragalin wayday in uu yimaado Afisyoone.

” Waa soo marnay dhibaato nagu filan, cabburin, iyo handadaad, mana ahan in aan dib ugu laabanno taas, caawa taladu gacanteenna ayay ku jirtaa, waxaana soo jeedinayaa in la doorto Shiikh Aadan Madoobe ayuu yiri Aadan Saransoor.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com