Sheekh Aadan Madoobe oo noqday Guddoomiyaha Barlamaanka11ad ee DFS (Daawo)

Sheekh Aadan Madoobe oo noqday Guddoomiyaha Barlamaanka11ad ee DFS (Daawo)

Shiikh Aadan Maxamed Nuur ‘Shiikh Aadan Madoobe’ ayaa ku guulaystay guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya kadib doorashadii caawa ka dhacday teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Cod aqlabid ah ayuu uga adkaatay musharraxii la tartamayey oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Nuur, waxaana shiikh Aadan Madoobe uu helay codad gaarayaa 163, halka musharraxii la tartamayey uu helay 89, iyadoo tirada guud ee xildhibaannada codaynayeyna ay dhammayd 240 mudane.
Tartanka doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ahaa mid adag oo ay awoodahooda siyaasadeed iyo cod baarlamaanba ay ku muujinayeen garabyada is diidan ee siyaasadda, waxaana guddoomiyaha cusub loo tiriyaa in uu ka yimid dhanka maamullada iyo siyaasiyiinta muddada saluugsanaa siyaasaddii hoggaamineed ee madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kuwaasi oo ay safla hore uga jiraan maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Musharrax guddoomiye ee tartanka looga guulaystay, ayaa isna loo tiriyaa in uu yahay nin jaran-jarada ka soo fuulay dhanka Villa Soomaaliya iyo garabyadeed siyaasad iyo taageero uu hormuud u yahay maamulka koonfur galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamwd Laftagareen.
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku kala adkaanta garabyada siyaasadda ayaa saadaal ka bixinaysa suuragalnimada doorashada madaxweynaha iyo in sidaan oo kale la iskugu xoog sheegto, la iskuna maquuniyo cod baarlamaan.
Guddoomiyaha cusub ee la doortay ee golaha shacabka, isla caawa ayaa loo dhaariyey xilkiisa guddoomiye.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com