Labada musharrax ee ugu codka badan wareegga koowaad ee doorashada guddoonka golaha shacabka.

HomeWararka

Labada musharrax ee ugu codka badan wareegga koowaad ee doorashada guddoonka golaha shacabka.

Musharrax guddoomiye, Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa noqday musharraxa ugu codka badan wareeggii koowaad ee codbixinga doorashada guddoomiyaha golah

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Awdal State & Aqoonyahan Xaamud oo ka hadlay war kasoo baxay Hargeysa
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garowe (dhegayso)

Musharrax guddoomiye, Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa noqday musharraxa ugu codka badan wareeggii koowaad ee codbixinga doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, kaasoo helay 98 cod oo golaha shacabka ah.

Musharraxaha guddoome ee kaalinta labaad ee cod badnida galay wuxuu noqday xildhibaan Shiikh Aadan Maxamuud ‘Madoobe’, wuxuuna helay codad dhan 74.

Labadaan musharrax ee hadda loolanka ugu badan uu u dhaxeeyo, helayna codadka ugu badan ayaa loo kala jihaynayaa labo dhinac siyaasadeed oo hardan badan uu ka dhaxeeyo, kuwaasi oo kala ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyp garabyo la aragti ah, iyo dhinaca kale oo ah aragtida middaasi diidan oo ay cod ahaan hormuud u yihiin maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuna tiirsan garabyo kale oo saluugsan siyaasaddii hoggaamineed ee Farmaajo, ayna ka mid yihiin midawga musharraxiinta oo qaarkood golaha baarlamaanka ay soo galeen.

Xasan Cabdi Nuur oo ah musharraxa codadka ugu badan ka helay wareegga koowaad, waxaa loo tirinayaa in uu gacansaar dhaw la leeyahay madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madax maamul oo uu ka mid yahay madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka Shiikh Aadan Madoobe na uu taageerada ugu badan ka haysto maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo dhanka mucaaradka.

Shiikh Aadan Madoobe, horay guddoomiyaha golaha shacabka ayuu u soo noqday, muddo dheerna siyaasadda ayuu ku soo jiray, waxaana saadaalaha qaarkood tilmaamayaan suuragalnimada ku guulaysiga guddoonka golaha shacabka, inkastoo aan marna la dhanyalsan karin Xasan Cabdi Nuur oo natiijo fiican ka gaaray wareegga koowaad, noqday musharraxa ugu codka badan.

Wareeggii labaad ee codbixinta ayaa hadda la aaday, waxaana wareeggaan labadaas musharrax wehelin doona labo musharrax oo galay kaalimaha 3aad iyo 4aad, kuwaasi oo kala ah xildhibaan Cabdillaahi Balaag oo helay 33 cod iyo xildhibaan Aadan Saransoor oo helay 23.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: