Xasan sheekh Maxamuud: ”Jadwalka doorashadda ee saxda ah waa in la cadeeya

HomeWararka

Xasan sheekh Maxamuud: ”Jadwalka doorashadda ee saxda ah waa in la cadeeya

Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sirasmi ah loo cadeeyo habka ay u dhaceyso doorashooyinka,

What does it mean to support Somaliland?
Garacad deked noocee ah ayay yeelan doontaa ? (daawo)
Guddiga amniga gobalka Nugaal oo awaamir kasoo saaray Amniga Garoowe (dhegayso)

Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sirasmi ah loo cadeeyo habka ay u dhaceyso doorashooyinka, isla markaana si hufan loo qabto.

Xasan Sheekh oo shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la kala saaro cidda soo xuleyso Ergada, cidda ay matalayaan maadaama doorashada ay tahay mid dadbadan.

Waxaa uu sicad u sheegay in doorashada aysan u keen magacaabis balse ay doonayaan in dadka Soomaliyeed shakiga laga bixiyo, isla markaana Ergada soo xulaan 135-tii Oday ee la yaqaanay marka laga reebo qofkii diida ka qeyb galka doorashada.

“ Ujeedadeenu waxaa ay tahay in waxa ay kala cadaadaan oo aan la leex leexan maadaama dad aad u farabadan ay doorashada ku mashquulsan yihiin gacantana ku haayaan ayuu yiri” Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in doorashada ay dhowr jeer dib u dhacday, balse ay hadda muhiim tahay in markale aysan dib u dhicin maalinta sida rasmiga ah u dhaceyso doorashada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: