Xasan Cali khayre oo khudbadiisa uga hadlay Arrimo Xasaasi ah

HomeWararka

Xasan Cali khayre oo khudbadiisa uga hadlay Arrimo Xasaasi ah

Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa madasha aragti wadaagga ee maalintii labaad ka socota Garowe ka jeediyay khudbad uu uu uga hadlay arrimaha

RW khayre oo Muqdisho kula kulmay musharrax u tartamaya Galmudug
Guddoomiye Sanyare: “Ganacsadihii lacago baad ah siiya Al-shabaab tallaabo ayaan ka qaadaynaa”
Ciidamadda Amniga Jubbaland oo howlgalo ku soo qabtay waxyaabaha qarxa

Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa madasha aragti wadaagga ee maalintii labaad ka socota Garowe ka jeediyay khudbad uu uu uga hadlay arrimaha Amniga, Dhammeystirka Dastuurka, Qabashada Doorashooyin Qof iyo Cod ah iyo Yagleelidda Nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

Kudbadiisa ayuu Khayre ku sheegay dalka Soomaaliyeed uu taaganahay isgoys masiiri ah oo isku xiraya tagtooyinkii tirada badnaa ee lasoo maray iyo timaadada sanadaha soo socda, sida aan u maamulo, loona qorsheeyo ka gudbista marxaladan masiiriga ah, ay ka turjumeyso masiirka dalkeena, iyo ka dhabeynta hamiga iyo yididiilada bulshada, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Mudane Khayre ayaa sidoo kale sheegay in soo buuxintii shuruudihii deyn cafinta, ay sababtay in barnaamijka deyn cafinta wajigiisa koowaad lagu guuleysto oo dalku lasoo noqdo wada shaqeyntii kala dhaxeysay Hey´adda lacagta aduunka (IMF), Bankiga aduunka(WB), Bangiyada horumarinta, Hey’adda ceymiska maalgashiga dowliga ah (MIGA), Hey´adda maalgashiga caalamka ee IFC iyo Hey´adda horumarinta caamaliga ah ee (IDA)

Musharraxa waxaa kale oo khudbaddiisa ku sheegay in dib ula falgelidda hay’adaha dhaqaalaha addunka ayan kaligeed suurta gelin karin inuu dalku soo jiito maalgashi ah Balaayiin Doolar, hadii aan la helin xasilooni siyaasadeed, xasilooni amni, deganaansho bulsho, garsoor lagu qanci karo iyo hey’ado maaliyadeed iyo bangiyo mug leh oo la fal geli kara hey’adaha caalamka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: