Guddoomiye Sanyare: “Ganacsadihii lacago baad ah siiya Al-shabaab tallaabo ayaan ka qaadaynaa”

Guddoomiye Sanyare: “Ganacsadihii lacago baad ah siiya Al-shabaab  tallaabo ayaan ka qaadaynaa”

Guddomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdilatiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ganacsatada magaalada Gaalkacyo ay ka doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo ugu hanjabay ganacsadihii lacago baad ah siiya Al-shabaab ay tallaabo ka qaadayaan.

Waxaa uu sheegay in xaalad ammaan ah hadda ay ku sugan tahay degmada Gaalkacyo qeybta Puntland tan iyo markii ay bilowdeen howgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale isku difaacay eedeymo ku aadana in aysan caddaalad helin 18 qof oo dhawaan lagu toogtay Gaalkayco ka dib markii lagu helay Al-Shabaabnimo.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay xidddada u siibeen shabakaddii Shabaab u qaabilsaneyd magaalada Gaalkacyo taas baddalkeedana ganacsatada looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan u hogaansanaanta awaamiirtooda.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com