Ciidamadda Amniga Jubbaland oo howlgalo ku soo qabtay waxyaabaha qarxa

Ciidamadda Amniga Jubbaland oo howlgalo ku soo qabtay waxyaabaha qarxa

Ciidanka nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo kusoo bandhigay Qaraxyo iyo sidoo kale dadkii sameynaayay.

Taliska Ciidanka nabad suggida Jubbaland ayaa sheegay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka in gacanta lagu soo dhigay waxyaabaha Qarxa iyo sidoo kale dadkii gacanta kula jiray.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan agaa suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.

Ciidanka Nabadsuggida Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in ay qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen degaanka Yoontooy.

“Sidoo kale ciidanka Nabad Sugida hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabayaasha kala ah Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen” ayaa lagu yiri Warka NISA ee Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com