Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay in shacabka lagu qasbi karin xirashada afka

Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay in shacabka lagu qasbi karin xirashada afka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in shacabka Mareykanka ku aan lagu qasbi doonin inay xirtaan maaskarada ama afxirka si loogaga hortago cudurka Covid-19.

Madaxweyne Trump oo hore u diiday xirashada maaskarada ayaa sabtidii la soo dhaafay lagu arkay markii ugu horeysay isagoo xiran maaskarada ama afxirka.

Hase yeeshee wereysi uu siiyay warbaahinta Fox News, ayuu Trump ku sheegay inuusan marnaba ku raacsanayn in dadka khasab looga dhigo xirashada maaskaraatiga sabatoo waxa uu yiri dadku waxay u baahan yihiin xornimo.

Hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxa Cudurada Faafa ee dalka Dr Anthony Fauci uu madaxda dowladda iyo kuwa gobollada ku booriyay iney shacabka ku khasbaan xirashada maaskarada.

Qaar ka mid ah gobolada Mareykanka ayaa waxaa sare u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanaya fayraska corona.

Tirada guud ee uu ku dhacay fayraska dalkaasi Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 3.6 milyan oo qof , halka dhimashaduna ay ka sare martay 139,000 oo ruux taasi oo Mareykanka ka dhigeyso dalka u dhimashada badan dunida oo dhan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com