RW khayre oo Muqdisho kula kulmay musharrax u tartamaya Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Musharaxa Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ay wehliyeen Xildhibaano Saaxibadiisa ah ee ay iskala tirsan yihiin Xisbigada UPD, kana soo jeeda dowlad goboleedka Galmudug.

Kulankan ayaa ka dambeeyay markii Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre uu isugu yeeray Siyaasiyiintan, si ay uga wada tashataan arrimaha geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii Maamul loo dhan yahay loogu dhisi lahaa Galmudug, isla markaana dowladda doorkaas u hoggaamiso si cadaalad ah, si ay meesha uga saarto kalsooni darada laga qabo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoggaaminayay dadaalada la doonayo in Maamul loo dhan yahay Galmudug,, waxaana socdaal qaatay muddo bil ah uu ku tagay deegaanada Galmudug.

Hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa wajaheysa culeysyo uga imaanaya Mucaaradka, oo xilligan fursad naadir ka dhex arkay doorashada Galmudug, iyagoo la soo shirtagay Musharax ay ku mideysan yihiin oo deegaanka saameyn ku leh.

Dowladda Federaalka ayaa weli soo bandhigin Musharaxii ay ula shirtagi laheyd Doorashada Galmudug, waxaana arrinta ugu weyn ee la hadal haayo ay tahay cida dowladdu ay miiska u saaran doonto oo u babac dhiga Musharax Xisbiga UPD wadato.

Musharax C/raxmaan Odawaa oo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay Ololaha Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid noqon doono mid ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha, waxaana dad badan ku xusuustaan dadaaladii uu geliyay dhismihii Galmudug-tii Cadaado lagu dhisay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com