Xafiiska QM ee Somalia oo xaqiijiyay in Shaqaale Qandaraasle ah laga helay Coronavirus

HomeWararka

Xafiiska QM ee Somalia oo xaqiijiyay in Shaqaale Qandaraasle ah laga helay Coronavirus

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Shaqaale ka mid ah qandaraaslayaasha ganacsatada ah oo ay howlgeliso Qaramada Midoobey lag

Madaxweyne Laftagareen oo sheegay inay furayaan wadada xiririsa Waajid & Baydhabo
RW khayre oo kormeeray xarunta bangiga dhexe ee Somaaliya (Daawo)
Warka Fiidnimo iyo Maxamed Ibaraahim Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Shaqaale ka mid ah qandaraaslayaasha ganacsatada ah oo ay howlgeliso Qaramada Midoobey laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).

Qandaraaslaha ayaa sideed maalmood karantiil ku jira, iyadoo khubarada caafimaadka ay la socdeen xaaladiisa, si ay u xakameeyaan inuu xiriir la sameeyo dad kale.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si dhab ah u qaadatay cudurkan oo adduunka oo dhan si safmar ugu faafay, waxaana todobaadyadii u dambeeyay ay diyaarisay hawlgal looga hortagayo cudurkan, daawooyin caafimaad iyo taageero kala duwan.

Sidoo kale Xafiiska UNSOM ayaa sheegay in ahmiyadooda koowaad uu yahay daryeelka qandaraaslayaasha iyo ka hortagga faafitaanka cudurkan sii faafaya.

War saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegin dalka uu u dhashay qandaraaslaha laga helay Coronavirus.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in iyada kaashaneysa Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala shaqeyneysa sidii loo niyaarin lahaa nidaamyada caafimaadka ee dalka, si loo xakameeyo, loona yareeyo in cudurkan uu ku faafo Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: