Madaxweyne Laftagareen oo sheegay inay furayaan wadada xiririsa Waajid & Baydhabo

HomeWararka

Madaxweyne Laftagareen oo sheegay inay furayaan wadada xiririsa Waajid & Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ee uu Madaxda ka yaha

Wasiir Maryama Qaasim oo iska casilshay xilkii ay haysay, quusna kamuujisay xukuumadda (dhegayso)
Warar dheeraada oo kasoo baxaya Dagaal ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey
LAASCAANOOD: “ANIGU WAXAAN AHAYD 70 JIR WAXAANA DIYAAR U AHAY INAAN KA QAYB QAATO XORAYNTA

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ee uu Madaxda ka yahay uu ku guuleystay u shida degmooyinka qaar Golle degaan.

Madaxweynaha oo ka qeyb galay munaasabad lagu Caleemo saarayay golaha degaanka degmada Waajid ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qorsheeynayaan inay Golle degaan u dhisaan dhamaan degmooyinka iyo degaannada Koonfur Galbeed.

Waxaa uu faray mas’uuliyiinta Golaha degaanka degmada Waajid ee Gobolka Bakool inay si wanaagsan ugu Shaqeeyaan Bulshadooda, sigaar ahna ay diirada u saaraan sugida amniga.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Mamaulka Koonfur Galbeed uu sidoo kale qorsheynayo in uu furo wadada isku xirta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay & degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: